Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Maraykanka iyo Kenya oo duqeeyay xero ay ku tababaranayeen 300 Shabab ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladdaha Maraykanka iyo Kenya ayaa khamiistii duqeymo xoogan ka geystay saldhigyo lagu tababaray in ka badan 300 kamid ahaa argigixisada Shabaab, kuwaas oo kuyaalay gudaha gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Duqeymahaan oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac , ayaa waxaa ku jira Kenyan katirsanaa Shabaab, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xero lagu magacaabo Aus qurun oo Alshabaab maamulaan, sida lagasoo xigtay saraakiisha amniga Kenya.

Mohamed Ahmed Farah oo loo yaqaanoMohamed Kheir iyo Abdullahi Wilif oo kasoo jeeda degmada Wajeer, kana tirsanaa kooxda Alshabab ayaa kamid ahaa dadka weerarkaan ku dhaawacmay, waxayna ku tababaranayeen Ball Raho, xilliga duqaynta dhacaysay.

Ciidanka difaaca Kenya ee dagaalka kula jira Shabaab ayaa soo sidoo kale soo badbaadiyay kooxo gurmad ah oo ku sugaa goobta la duqeeyay, waxaana ciidanku sidoo kale heleen dhaawacyo iyo Meydad yaalay goobta la duqeeyay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this