Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Maamul Goboleedyada Oo Ka Dalbaday DFS In La Kordhiyo Miisaaniyadda Ay Ku Shaqeeyaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in la kordhiyo miisaaniyadda ay ku shaqeeyaan, si howlaha shaqo ay u socoto.

Waxay ka wada sinnaayeen mas’uuliyiintan in qarashka ay helaan oo yar awgeed aanay socon kareyn howlaha guud ee shaqooyinkooda.

Cali Gacal Casir, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan haysan xitaa iyagu howl ay leeyihiin oo ay ku shiraan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay guddoomiye Casir inaanu jirin daqli fiican oo uu helo maamulkooda, maadaama aanu jirin qaadis canshuur, isaga oo ku baaqay in Galmudug ay hesho miisaaniyad rasmi ah oo ay hay’adaheeda ku shaqeyn karaan.

Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso

http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/WAR-BAAYDHABO.mp3

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this