Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon Aloore Oo Ku Baaqay Xoojinta Amniga Magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la adkeeyo amniga iyo kala dambeynta guud ee magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgala ay la wareegeen goobihii ay ku dagaallameen maleeshiyaadka kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Nabadoonka ayaa ku baaqay in la kordhiyo tiro ahaan ciidankaan isku dhafka ah, si ay awood ugu yeeshaan iney hantaan amniga guud ee magaalada Gaalkacyo.

“Annaga haddii aan nahay waxgaradka waxaan ku talinnay in la badiyo ciidamada isku dhafka ah si amniga loo xaqiiyo, ciidamadan waxay hadda la wareegeen meelihii lagu dagaallamay, waana muhiim in laga wada shaqeeyo ammaanka Gaalkacyo” ayuu yiri Nabadoon Aloore.

Maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay isku rasaaseeyay Gaalkacyo, hase ahaatee waxaa durba dhexgala ciidanka xoogga dalka.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this