Sign in to follow this  
Deeq A.

Xabad joojin la dhexdhigay beelo ku dagaalamaya xadka Sool iyo Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa heshiis hordhaca laga gaarey dagaal beeleed  ka socday hawdka Gobolka Sool gaar ahaan xadka uu la wadaago dowlad deegaanka Itoobiya ka dib markey halkaas gaareen Issimo iyo Odoyaal isaga kala yimid  Gobolladda Sool,Nugaal,Mudug iyo Cayn.

Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil oo ka mid ah wafti uu hogaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST inay ku guulaysteen xabad joojin rasmiya oo la dhexdhigay labada dhinac islamarkaana ay goobjoog ka ahaayeen Waxgaradka iyo Issimada labada beelood sida Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Issimo kale.

Wuxuu intaas ku darey inay garwadeen ka ahaayeen heshiiskan ergey ay kala hogaaminayaan Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka tagey Gobolka Nugaal iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka yimid Gobolka Sool, Islamarkaana wuxuu sheegay inay goobjoog u ahaayeen xubno matalayay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil wuxuu sheegay inuu wax badan ka duwan yahay heshiisyaddii horey uga dhici jirey goobtaas, Iyadoona uu sheegay inta laga gaarayo muddo bil ah oo loo balamay gogol lagu soo afjari doono colaada  Deegaanka Cariska Cagaare in labada dhinac laga saxiixay heshiis kooban oo sideed qodob ah.

Daalaco Wareysiga Nabadoon Jibriil.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xabad joojin la dhexdhigay beelo ku dagaalamaya xadka Sool iyo Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this