Deeq A. Posted December 29, 2017 Baarlamanka Ethiopia ayaa jimcaha Maanta shaaciyey in la dhisay guddi baaritaan ku sameeya rabshadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalkaasi. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamanka Ethiopia, Shitaye Minale ayaa sheegtay in Aqalka hoose ee Baarlamanka laga soo xulay guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya rabshadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray dowlad-degaannada Oromada iyo Soomaalida,si xal loogu raadiyo khilaafka labada dhinac. Wakaaladda Wararka Ethiopia ENA ayaa Minale ka soo xigatay in“guddigu haatan uruurinayo warbixinno ku saabsan khilaafka dhaliyey colaadda ee xuduudka ku salaysan”. Marka laga soo tego baaritaanka, guddiga la magacaabay ayaa sidoo kale taageeraya gargaarka loo fidinayo dadka barakacay,sida ay sheegtay Minale. Waxay kaloo xaqiijisay in baarlamanku uu si adag u xakamayn doono loona ilaalin doono hay’adaha fulinta ee ku fashilmay waajibaadkooda ku aaddan isku-dhacyada labadan qowmiyadood. Rabshadihii ugu dambeeyay ee xuduudka dheer ee Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70 ruux oo labada dhinac ah,waxaana ku bara-baxay boqollaal kun oo kale. Source: Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites