Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo soo bandhigtay ciidamo si gaara ula dagaalami doona al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Gen. Cabdi Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa tababar usoo xiray ciidamoka tirsan xogga oo dhameystay tababar Militery.

Ciidamadan oo aad u badan ayaa tababarka loogu soo xiray dugsiga tababarka ee Sarreeye Gaas Dhaga-badan.

Tababarka Ciidamadan oo dhan waliba ka dhameystiran ayaa waxaa laga howlgalin doonaa Gobolka Shabellaha Hoose oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab.

Gorod, ayaa ciidamada cusub kula dar daarmay in ay gutaan waajibaadka shaqo ee saaran, Taliyaha ayaa dhalinyarada caaboon ee Tababarka dhameestay ugu baaqay in ay la yimaadaan wax ka badalan sidii hore oo al-Shabaab awoodooda lagu wiiqo karo.

Taliyaha Dugsiga tababarka ee General Dhaga-badan, Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Saneey ayaa isna sheegay in ciidamadda tababarka u dhammaaday la baray la dagalaanka Shabaab, la dhaqanka bulshada iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Madaxa Tababarka Midowga yurub, ayaa Ciidamadda xoogga dalka ku dhiira geliyay howlgalada Al-shabaab.

Ciidan-1-1.jpg?resize=420%2C280&ssl=1Ciidan-2-640x427.jpg?resize=419%2C279&ssCiidan-3-640x427.jpg?resize=419%2C279&ssCiidan-4-640x427.jpg?resize=419%2C279&ss

The post Sawirro: DF oo soo bandhigtay ciidamo si gaara ula dagaalami doona al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this