Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo Farmaajo ka dalbaday ka dhabeynta hal arrin oo uu ku taamaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), oo ka hadlaayay isbedelada ka jira dalka, ayaa sheegay in DFS ay wado talaabooyin hormarineed oo dib loogu soo celinaayo ilaha dhaqaale ee uu leeyahay dalka.

Xaaf waxa uu sheegay in mudada ay jirto dowlada Federaalka ay la imaaday waxqabad wanaagsan, waxa uuna tusaale usoo qaatay dib usoo celinta maamulka Hawada Somalia.

Xaaf waxa uu Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uga mahad celiyay dadaalka uu kusoo celiyay Hawada Somalia, balse waxa uu taa bedelkeeda Farmaajo ka dalbaday inuu arko Diyaarada Somalia oo shaqeyneysa.

‘’Madaxweynaha waa uu ku mahadsan yahay dadaalka uu kusoo celshay maamulka Hawada, waxaa ii harsan inaan Garoonka Aadan Cadde ka raaco Diyaarada  Somali Airlines oo aan ka dego magaalada Cadaado’’

‘’Waxaan ku taamayaa inaan Muqdisho iyo Cadaado ugu kala goosho Somali Airlines, oo aan is leeyahay waa talaabo ka harsan sharafkeena Soomaalinimo’’

Xaaf waxa uu Ganacsatada Soomaaliyeed u jeediyay in ay ka qeyb qaataan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa adeegyadii Soomaali Airline.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayuu ku dhiiri galiyay inuu u dhabar adeego dhameystirka inta ka harsan guulihiisa, waxa uuna ku baaqay inuu dib usoo celsho Somali Airline.

Haddalka Xaaf ayaa imaanaya xili Madaxweyne Farmaajo uu daboolka ka qaaday in Seddexda Sano ee harsan ay ku dhameystiri doonaan dadaalada u harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xaaf oo Farmaajo ka dalbaday ka dhabeynta hal arrin oo uu ku taamaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this