Deeq A. Posted December 29, 2017 George Weah oo horay u soo noqday laacibka ugu fiican adduunka ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinnimada ee ka dhacay Dalka Liberia, waxaa uu ka adkaaday Joseph Boakai madaxweyne kuxigeenkii dalkaasi. George Weah ayaa bisha soo socoya badeli doonaa madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah. George Weah waxaa uu horay ugu guuleystay laacibka adduunka 2005tii xilli uu u joogay kooxda dalka Talyaaniga ka dhisan ee Milan. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites