Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali meydadkooda laga helay dalka Mozambique

Recommended Posts

Deeq A.   

13 qof oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga helay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mozambique,sida laga soo xigtay Booliiska degaanka Cheringoma.

Dadkaan ayaa la rumaysanyahay in lagu soo qariyey qaybta dambe ee gaari nooca xamuulka ah,si tahriib ahaan ah,islamarkaana ay ku neef-qabatimeen halkaasoo ay ku jireen muddo saacado badan ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in meydadka laga helay goob qashin-qub ah oo qiyaastii 200 mitir u jirta saldhig booliis oo ku yaal degaanka Cheringoma ee ka tirsan gobolka Sofala.

Dowladda Mozambique waxay sheegtay in baadhitaan socdo laakiin ma bixin wax tafaasiil ah.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Soomaali meydadkooda laga helay dalka Mozambique appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this