Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyay xulka kubada cagta Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo,December, 28, 2017. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Xulka kubada cagta Jubbaland ee dhawaan ku guulaystay koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweynahu kuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay u diyaar garooban tartamada kale isla markana dhawaan ay bilaabi doonan hanan mushaar ay bil walba ku qaadan doonan isla markana dib u habayn lagu samayn doono xiriirka iyo dhamaan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si ay hawlaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha la xiriira u noqdaan kuwo taaba gala.

“Ciyaarahu waxay noo yihiin hadaf guud marka arimaha Bulshada laga hadlayo waxaan doonaynaa in bil walba Ciyaartooyga kamidka ah Xulku uu helo mushaar ku filan” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay ka fogaadan qabyaalad iyo kooxaysi taas oo ka horimanaysa sababta Ciyaaraha iyo is dhexgalka Bulshada loo abuurayo.

“Qabiil iyo Kooxaysi shuqul kuma laha Ciyaaraha sidaas darteed waa in aan ka fogaana oo aan noqono Ciyaartooy deegaan iyo Gobolo matala” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dhamaan qaybaha kala duwan ee Adeegyada Bulshada ayuu Madaxweynahu xusay in wakhti badan la galin doono Ciyaarahuna ay bilaw u yihiin.

          …………DHAMAAAD………..

JLP373737.jpg JLP374747.jpg JLP378448.jpg JLP2783838.jpg JLP3734747.jpg JLP37347488.jpg JLP37374848.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this