Sign in to follow this  
Deeq A.

Militeriga Maraykanka oo shaaciyay in uu dilay xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Militeriga Maraykanka ayaa shaaciyay in duqeyn kale oo ay Xalay ka gaysteen gudaha Soomaaliya ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka Afrika ee(AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday fiidnimadii Arbacada lagu beegsaday gaari qaraxyo siday oo u socday dhinaca magaalada Muqdisho,xilli uu marayey meel 25km galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay 4 ka tirsan Al-shabaab,sidoo kalena la burburiyay gaarigii ay saarnaayeen,si looga hortago in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo shacabka magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu xusay in aan wax rayid ah khasaare ka soo gaarin duqeynta.

Arbacadii shalay, war uu soo saaray Taliska Ciidanka Maryakanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay Axaddi ay ka geysteen gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa Soomaaliya sannadkaan ka geystay 35 weerar oo lagu beegsaday Al-shabaab,kadib markii maamulka Trump uu ballaariyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Militeriga Maraykanka oo shaaciyay in uu dilay xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this