Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre “Waxaan Rajeynayaa Sanadkan 2017 In Dowladda Aan Wax Deyn Ah Looga Yeelan Doonin Gudaha Dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

—DHAMMAAD—-

1-17.jpg?resize=600%2C4002-15.jpg?resize=600%2C4003-13.jpg?resize=600%2C4005-9.jpg?resize=600%2C400

 

The post Kheyre “Waxaan Rajeynayaa Sanadkan 2017 In Dowladda Aan Wax Deyn Ah Looga Yeelan Doonin Gudaha Dalka” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this