Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho:- Maraykanka oo duqayn ku burburiyay gaari waxyaabaha Qarxa lagasoo buuxiyay iyo raggii la socday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa qaaday duqayn cusub oo lagu dilay afar kamid ah argigixisada Alshabab laguna burburiyay gaari waxyaabaha qarxa siday oo ku sugnaa meel u dhow Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika, ayaa lagu sheegay duqayntaan oo dhacday xalay in laga geystay goob 25km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Muqdisho, si looga hortago qaraxyo lala maleegayay shacabka Muqdisho.

Lama sheegin wax khasaaro shacab ah oo ka dhashay howlgalkaan, iyadoo Maraykanku uu tilmaamay inuu qiimaynayo natiijada kasoo baxda.

Maraykanka ayaa 35 weerar oo cirka ah ka geystay gudaha Soomaaliya sannadkaan sii dhamaanaya 2017, weerarada ugu badan ayaa lala bartilmaameesaday kooxda Alshabab, halka kooxda Daacishna lala eegtay weerarkii ugu horeeyay ee looga hortagayo koritaankooda.

Trump ayaa meelmariyay sannadkaan qorshe lagu balaarinayo howlgallada milatari ee gudaha Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this