Guhaad Posted February 24, 2006 Maalin baa waxaa dhacday in nin reer baadiya ah, oo aan umaleynayo in uu reer mudugnaa ahaa, baa mareykanka yimid, oo markii uu maalma shaqeynayey, waxbarasha uu soo jeensaday. war iyo xaalkiisa, ninkii maalin buu buug weyn soo qaatay oo uu aqris ku bilaabay, inkastoo looga digay oo lagu yiri, 'war bal aasaaska ka bilow', hadana waa diidey. nin saaxiibkiis ah baa maalin u yimid, oo bal is yiri war bal ninkii soo fiiri meesha uu wax marinayo. maktabada hadii uu ugu tagay buu yiri, 'war heedha buuga aad aqrineysid yaa qoray', markaasuu yiri: 'walle ninyahow buugu waa cajiib, waxaana qoray nin magac dheer oo la yirihaado To.Kill.A.Mocking.Bird' qix,qix...qix Quote Share this post Link to post Share on other sites