Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo sheegay in maamulka Hawada Soomaaliya si rasmi ah u soo galay gacanta Dowladda+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 28 Dec 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay xarunta laga maamulayo Hawada Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho ayaa xariga ka jaray mudo 27-sano ka dib xarunta hawada Soomaaliya oo ku taalo Muqdisho.

Madaxweynaha Farmaajo oo Khudbad qiimo leh ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in maanta ay marqaati ka yihiin Taariikh weyn oo lagula soo wareegayo Hawada Soomaaliya,isagoona sheegay in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah gacanta ugu jirto Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo in arintaan ay ku timid shaqo adag oo ay si wada jir ah u sameeyeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka,Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar),oo ka hadlay Munaasabada ayaa qiray in guusha maanta la gaaray ay ku timid howlo mudo badan soo socotay oo mas’uuliyiin kala duwan midba meel uu keenay.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed taariikhina ah in Hawada Soomaaliya laga maamulo gudaha Soomaaliya oo tan iyo 1991-kii ka maqneyd gacanta Dowladda Soomaaliyeed.

E2I2509.jpg?resize=640%2C427E2I2522.jpg?resize=640%2C427E2I2533.jpg?resize=640%2C427E2I2534.jpg?resize=640%2C427E2I2685.jpg?resize=640%2C427GGGG.jpg?resize=1000%2C667KKK.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha JFS oo sheegay in maamulka Hawada Soomaaliya si rasmi ah u soo galay gacanta Dowladda+Sawirro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this