Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Garowe oo ka hadlay fadeexad laga faafiyay labo muwaadin.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha saldhiga Garoowe Fardafuul Muuse Bille ayaa maanta usoo bandhigay Warbaahinta PUNTLAND POST dabagal iyo baaritaan boolisku ku sameeyay kiis looga been abuurtey labo muwaadin ku nool magaalada Garowe oo mid ka mid ah yahay Agaasimaha mashaariicda Madaxtooyadda Puntland Cabdiqani Dhaashane.

Taliye Fardafuul ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu raadinayo shaqsiyaad xadgudub u geystay dhaqanka islaamka iyo sumcadda gabadh dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Garowe iyo Masuul u shaqeeya Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Warbaahinta PUNTLAND POST oo la kulantay Deeqo Cumar Maxamuud oo ah gabadha lagu been abuurtey ayaa sheegtay sawiro ugu jiray telefon gacanta oo laga xaday mar sii horeysay in lagu faafiyay baraha bulshada, Iyadoona sheegtay inay sharciga la mari doonto cid kasta oo ku lug leh arrintaas.

Aabaha dhalay Deeqo Cumar Maxamuud oo isna la hadlay PUNTLND POST wuxuu sheegay inay argagax ku noqotey fadeexadda laga sameeyay gabadhiisa,isagoona ka codsadey hay,addaha amniga iyo saaxafadda inay gacan ka siiyaan dadka sharaf dhaca u geystay Gabadhiisa Deeqo Cumar.

Daawo Muuqaalka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo door muhiim ah ka qaatey dabagalka arrintaan ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay jiraan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay kiiska baaritaankiisa boolisku gacanta ku hayo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo been abuur iyo dayaacad laga faafiyo masuul ka tirsan Dowladda Puntland, waxaana si la mid ah arrintaan oo kale bartamihii sanadka 2017 loogu soo eedeeyay Xoghayihii horre Dowlada hoose Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Booliska Garowe oo ka hadlay fadeexad laga faafiyay labo muwaadin. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this