Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku dhawaaqay tirada Al-Shabaab looga dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom),  ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen subaxnimadii 24-kii December 2017-ka koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13-malseehiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale,Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya,meeshana laga saaro iney kooxaha Argagixisada nabad ku noolaadaan.

Mareynkanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Amaanka Qaranka Soomaaliya (SNSF), ay kala shaqeyn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaamedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan Argagaxisada,goobaha ganbaadka u ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka intuba.

Mareynkanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balaan qaaday  iney siinayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM iney siinayaan tagaarada dagaalka dhanka ah Kooxaha Argagixisada.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgalo ka wada gobollada dalka kuwaasoo bur buriyay saldhigyo kooxaha argagixisada ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka,islamarkaana horjoogayaal  iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaarijiyay howlgaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online

The post Mareykanka oo ku dhawaaqay tirada Al-Shabaab looga dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this