Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Xulka kubada cagta Puntland oo la guddoonsiiyay $20.000 oo dhiiri galin ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Waxaa xalay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland Casho sharaf iyo dhiiri galin maaliyadeed loogu sameeyay xulka kubada cagta Puntland.

Xafladdaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuliyiinta dawladda oo ugu horeeyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Wasiirka caafimaadka , wasiirka xiriirka goloyaasha, Xog-haya Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahaana qaban qaabiyaha Xafadda iyo agaaasinkeeda.

Xafladaas ayaa ahayd mid lugu gudoon siinayo dhiiri galin iyo shahaado sharafyo ay Muteesteen shaqkhsiyaad loo gartay in ay yihiin bahda hormarinta sportiga Puntland iyo Xulkii kubadda cagta Puntland oo la gudoon siiyay dhaqaale loogu talaglay mid u noqonaysa mahad celin iyo dhiiri galin.
Ahmed Jama Jawle ayaa sheegay in lacagtaan laga soo aruurtshay Ganacsato, Dawlad iyo Dhalinyaro jecel horumarka sportiga kuwaasoo isku soo aruurshay USD 20,000.

Waxuu sheegay in ay ahayd arrin uu asagu u kacay balse ay rumeeyeen shacab waynaha Dawladad Puntland o jecel hormarka dadka iyo dadka.

25994842_173272450073386_358560705031910 25994891_173272633406701_121276979012775 26047343_173272266740071_819095934069074 26055672_173272116740086_697239676967787 26112199_173272663406698_723284221480326 26112436_173272223406742_884188914591512 26195343_173272896740008_457162462362761 26196484_173272776740020_855824352713221 25659919_173272213406743_253764596604976 25660229_133322100792053_114188822296269 25994541_173272016740096_790654246324554 25660229_133322100792053_114188822296269

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this