Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabadda Daahfurka Hawada Soomaaliya Oo Ka Socota Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconeysa munaasabad ballaaran oo ku saabsan daahfurka hawada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya madaxda sare ee dalka, madaxweynaha Galmudug, xildhibaanno, wasiiro, siyaasiyiin, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo goor dhow gaaray halka ay ka socoto munaasabadan ayaa kormeeray goobta la dhigay qalabka casriga ah ee loogu talogalay maamulka hawada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta waaxda saadaasha hawada ayaa madaxweyne Farmaajo sharaxaad buuxda ka siiyey qaabka uu qalabkaan u shaqeynayo iyo awoodiisa inta ay la egtahay.

Waxaa goor dhow bilaaban doona khudbadaha ay jeedin doonaan madaxda dalka oo ay kaga hadli doonaan muhiimadda ay leedahay lasoo wareegista maamulka hawada Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo 27-sano kadib ay Soomaaliya lasoo wareegto maamulka hawadeeda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

IMG-20171228-WA0000IMG-20171228-WA0005D1IMG-20171228-WA0004

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this