Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 50 ruux oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Afganistan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay,40 kalena waa ku dhaawacantay,kadib markii laba qarax oo ismiidamin ah lagu qaaday Wakaalad Wararka maxalliga ah daabacda oo ku taalla galbeedka magaalada Kabul ee caasimadda Afganistan.

Sidoo kale qaraxyada ayaa burburiyay xarun lagu keydiyo”Hiddaha iyo Dhaqanka” oo dhinaca ku haysa Xafiiska Wakaaladda Codka Afganistan,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afganistan ayaa Warbaahinta u sheegay in “dhammaan dadka dhintay ay rayid ahaayeen”,waxaana dadkaaas ku jira arday iyo weriyaal,sida uu mas’uulku xusay.

Ururka Taliban oo inta badan looga bartay qaraxyada dalka Afganistan,ayaa War uu soo saaray ku beeniyey in ay wax lug ah ku leeyihiin qaraxyadaas.

Wixii ka soo kordha kala soco: puntlandpost.net

 

 

The post Ugu yaraan 50 ruux oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Afganistan. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this