Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka degaanka Mara-cadde ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo warramay in habeenkii xalay la duqeeyey gaari nooca raaxada ah oo ku socday dhinaca magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi ka dhashay khasaare aan weli faahfaahin laga hayn.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Shbabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay duqeynta oo ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo u siday dhinaca magaalada Muqdisho,inkastoo aanay faahfaahin dheeri ah bixin.

Inkastoo aan ilaa iyo haatan la ogayn cidda weerarkaan geysatay,haddana warraka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha drones-ka Maraykanka ay fuliyeen duqeynta. Arbacadi shalay war uu soo saaray Taliska Ciidanka Maryakanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay Axaddi ay ka geysteen gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa Soomaaliya sannadkaan ka geystay 34 weerar oo lagu beegsaday Al-shabaab,kadib markii maamulka Trump uu ballaariyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntlandpost.net

The post Duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this