Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ahaa Meydkii Karfaneysnaa ee Xalay lagu arkay Xarun Ganacsi oo ku taalla Xamar-Weyne iyo hal bil oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Xalay lagu arkay degmada arin ay layaabeen dadka deegaanka.

Goob Ganacsi oo ku dhaw Kawaanka Malaayga degmada ayaa laga helay meydka qof Kafan lagaliyay oo lagu aasay Qolka makiinad ku taala Xamarweyne, Dadka iska leh guriga ayaa dayactir goobta utagay, waxeyna arkeen meydka marada Cad lagaliyay.

Xoghayaha Guud ee Degmada Xamarweyne Maxamed Qeys ayaa Mustaqbal usheegay in 4 qof ay usoo qabteen Kiiskan, haatana ay Su’aalo weydiinayaan laamaha amniga, Dadka la soo qabtay ayuu sheegay iney ku jiraan Qofka guriga laga kireystay, Labo ka shaqeyneysay Makiinada.

Degmada Xamarweyne ayuu sheegay iney ku cusubtahay arintan, dadka deegaanka ayaa argagax ka Muujiyay in qof inta la dilay hadana Maro lagaliyay Misana la aaso.

Dadka lahayo ayuu sheegay iney Cadaalada horgeynayaan si loogu qaado danbigooda haduu ku cadaado, Waxa uu Xoghaye Qeys ka gaabsaday inuu kala cadeeyo Rag ama Dumar waxa uu yahay qofka meydkiisa la soo saaray.

Ciidamo ka socda Maamulka degmada Xamarweyne ayaa Goobta tegay,kuwaas oo soo qaaday Meydkii karfaneysnaa iyo Wiil ay dhashay Hooyo laheyd Goobta Ganacsi sida ay Dalsan u sheegeen dad tegay Goobta uu Meydka yaallay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay waxan u dhaceyn iyo waxa uu ahaa qofka meydka ah wallow Goobta Ganacsi dadkii lahaa iminka qaarkood Gacanta lagu hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online

The post Muxuu ahaa Meydkii Karfaneysnaa ee Xalay lagu arkay Xarun Ganacsi oo ku taalla Xamar-Weyne iyo hal bil oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this