Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari siday Qaraxyo lala damacsanaa Muqdisho & Maleeshiyaadkii la socday oo la duqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaray Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in duqeyn xoogan ay ka dhacday deegaan hoostaga Gobolka.

Duqeynta oo loo maleynaayo inay geysteen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa waxaa lala eegtay Gaari la rumeysan yahay inay ku rarnaayen Shabaab iyo Qaraxyo.

Gaariga la duqeeyay ayaa la xaqiijiyay inuu kusoo jeeday magaalada Muqdisho, isla markaana ay la socdeen Shabaab dhowr ah oo u diyaarsanaa fulinta weeraro lagu hoobto.

Gaariga la beegsaday ayaa xiliga duqeynta marayey Tuulada Maracadde oo ay maamulaan al-Shabaab una dhaxeeysa deegaanada Cadow Dibille iyo Xaawo Cabdi, iyadoo ay ku dhinteen maleeshiyaadkii la socday.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan duqeynta lala eegtay uu ahaa mid laga soo buuxiyey walxaha Qarxa oo ku socday Muqdisho.

Maamulka Gobolka ayaa sidoo kale sheegay in Gaariga loo muuqaal ekeysiiyay mid shacab balse loola gol lahaa in weerar ismiidaamin ah looga fuliyo magaalada Muqdisho oo todobaadyadan ka caagan Qaraxyada.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaan weli ka hadal duqeynta looga fashiliyay Gaariga laga soo buuxiyay walxaha Qarxa iyo Maleeshiyaadkii la socday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Gaari siday Qaraxyo lala damacsanaa Muqdisho & Maleeshiyaadkii la socday oo la duqeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this