Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo ka shanqariyay dhibaato cusub oo kusoo korortay maamulkiisa & Qeyla dhaan uu u diray DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka HirShabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada maamulkiisa ay buux dhaafiyeen maleeshiyaadkii ugu badnaa ee ka tirsan al-Shabaab.

Waare, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadkasi ay kasoo carareen Gobolada kale ee dalka , gaar ahaan kuwa ay ka dhacaan duqeymaha.

Waare, waxa uu sheegay in maleeshiyada ay culeys badan soo saareen deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dareemayaan in deegaanada maamulka uu ka jiro dhaqdhaqaaq amni daro.

Wuxuu sheegay Waare in sababta ugu weyn ee ay Al-shabaab culeyska u saaren tahay duqeymaha ka socdo qaar kamid ah gobollada dalka, isaga oo sheegay iney jiraan maleeshiyaad badan oo Al-shabaab ah, kana yimid deegaanada la duqeeyay.

Waxa uu intaa raaciyay in qaar ka mid ah Shabaabka soo gaaray degaanada Hirshabeelle in ay ku sii socdaan gobollo xaga Waqooyiga xiga oo ay ugu horeyso Puntland.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen Dagaalka Shabaab, isaga oo sidoo kale shacabka ka dalbaday in Ciidamada ammaanka ay la shaqeeyaan.

Dhinaca kale, Waare ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Waare oo ka shanqariyay dhibaato cusub oo kusoo korortay maamulkiisa & Qeyla dhaan uu u diray DFS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this