Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo bandhigtay kiisaska danbiyada ee ka dhacay Goboladeeda 2017 (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaalinta Guud ee maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigtay kiisaska danbiyada ka dhacay Gobolada maamulka ee 2017.

Xeer ilaalinta oo diiwaan galisa dhammaan dhacdooyinka khuseeya maamulka oo ay galeen shakhsiyaad khaas ah oo qaarkood laga abaalmariyay kiisaska dhacdooyinka oo ay galeen.

Xeer ilaalinta oo dhacdooyinkaan soo bandhigta dabayaaqada sanad waliba ayaa maanta soo bandhigtay 2,572 danbiyo.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Guud ee maamulka ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Maxamed Cali Xareed, ayaa sheegay in dhacdooyinka qaar aan weli laga gaarin go’aan, halka qaarna lasoo afjaray, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka akhriso Dambiyadda kadhacay Gobaladda Puntland:

1-Gobalka Nugaal 173 dambi

2-Gobalka Bari 982 dambi

3-Gobalka Karkaar 351 dambi

4-Gobalka Cayn 677 dambi

5-Gobalka Mudug 169 dambi

6-Gobalka Sanaag 70 dambi

7-Gobalka Haylaan 150 dambi

Dhinaca kale, ku simaha Xeer ilaaliyaha Maxamed Cali Xareed, ayaa ballanqaaday in si dhaqsi ah ay ku dhameystiri doonaan danbiyada weli furan ee aan go’aanka laga gaarin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Puntland oo soo bandhigtay kiisaska danbiyada ee ka dhacay Goboladeeda 2017 (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this