Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Kulan Laqaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 december 2017 waxaa uu kulan laqaatay xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo.

Kulanka uu Madaxwaynuhu Laqaatay Golaha Deeganka degmada Gaalkacayo ayaa waxaa ku wehelinaayay mas”uuliyiin katirsan golayaasha Dawldda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka lagaga wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen dardargelinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladdu kawado magaalada Gaalkacayo iyo wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya xildhibaannada golaha deegaanka .

Madaxwaynaha ayaa xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo waxaa uu ku booriyay in ay kawada shaqeeyaan sidii ay magaalada Gaalkacayo hor”umar balaadhan ugaar siin lahaaye si ay ula jaanqaado magaalooyinka dhigeeda ah.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu ugu baaqay in dhammaan xildhibaanadu ay u istaagaan sidii ay waxbadan looga qaban lahaa horumarka, nabad gelyada, iyo bilicda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbayn Madaxwaynha Dawlada Puntland ayaa waxaa uu kula dardaarmay guud ahaan shacab iyo Dawladd in laga wada qayb qaato horu”marka iyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

5I2A9831.jpg 5I2A9848.jpg 5I2A9858-1.jpg 5I2A9867.jpg 5I2A9868.jpg 5I2A9875.jpg 5I2A9878.jpg 5I2A9885.jpg 5I2A9896.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this