Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Kulan Laqaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 december 2017 waxaa uu kulan laqaatay xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo.

Kulanka uu Madaxwaynuhu Laqaatay Golaha Deeganka degmada Gaalkacayo ayaa waxaa ku wehelinaayay mas”uuliyiin  katirsan golayaasha Dawldda Puntland  iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka lagaga wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen dardargelinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladdu kawado magaalada Gaalkacayo iyo wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya xildhibaanada golaha deegaanka .

Madaxwaynaha ayaa xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo  waxaa uu ku booriyay in ay kawada shaqeeyaan sidii ay  magaalada Gaalkacayo hor”umar balaadhan ugaar siin lahaaye si ay ula jaanqaado  magaalooyinka dhigeeda ah.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu ugu baaqay in dhammaan xildhibaanadu ay u istaagaan sidii ay waxbadan looga qaban lahaa horumarka, nabadgelyada, iyo bilicda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbayn Madaxwaynha Dawlada Puntland ayaa waxaa uu kula dardaarmay guud ahaan shacab iyo Dawladd in laga wada qayb qaato horu”marka iyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

5I2A9830-2.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9831-2.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9848-2.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9858-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9861-2.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9867-2.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9868-2.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9875-2.jpg?resize=1000%2C667
5I2A9896-2.jpg?resize=1000%2C667

 

The post Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Kulan Laqaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this