Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo uu Maamulka Galmudug Si Balaadhan usoo Dhaweeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 27 December 2017 waxaa si balaadhan koon furta magaalada Gaalkacayo ugu soo dhaweeyay Maamulka Galmudug.

Madaxawaynaha iyo Masuuliyiinta ku Wehelinaysay ka qayb galka kulan kaasi is dhex galka bulshada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhinaca Galmudug Masuuliyiin katirsan Golayaasha Maamulka Galmudug, Talisika ciidamada mamulkaasi, saraakiil katirsan Madaxtooyada Galmudug , isimo Cuqaal, wax garadd, nabadoono, aqoonyahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulkaasi,
Soo dhawayn kadib Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu kulan laqaatay ciidamada isku dhafka ee Magaalada Gaalkacayo, saraakiil katitrsan ciidanka xooga dalka,iyo qaybaha kala duwan ee ee bulshada Koonfurta Galaakacayo.

“Waxaan Kamahad naqayaa soo dhawanynta wanaagsan ee walaaltinimada leh iyo dareenka wanaagsan ee aad maanta nagu soo dhawaayseen, waxaan aad ugu mahadcelinayaa intii wanaagaan kasoo shaqaysay sida maamulka degmada, maamulka Gobolka, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka, taliyayaasha ciidamada, iyo intii kale oo kaqayb qaadatay wanaaga badan ee aan ujeedno maanta, una dhabar adaygay hawshaan adag, runtii waan jeclaa in aan imaado intii uu joogay madaxwayne Axmed Ducaale Xaaf, laakiin duruufo kale ayaan ii saamixin in aan imaado waan rajaynayaa markale in aan gobolka isugu nimaadno saan ku balansanahay, si nabadda Gaalkacayo usal dhigato, uwaarto dadkanina ay wanaag iyo walaaltinimo kuwada noolaadan ayaan rajaynaynaa, nabada Gaalkacayo marka hore Gaalkacayo ayay mihiim utahay, wanaag iyo qurux utahay, waxay horseed unoqonaysaa sidoo kale nabadda soomaaliyeed, maata waxaa ii muuqada bisayl aad ubadan waxaan rajaynayaa in bisaylkaasi uu yahay mid dhab ah,
dadka reer Gaalkacayo matihidin dad meel kala aadaya oo kala guuraya waxaa tihiin dad ehel ah oo aan kala maarmin, maanta waxaa jira cadaw Somaaliya dhib wayn kuhaya inaga oo dhan aan inakala aqoon oo aan cidna dhaafayn oo dhibaato wayn soomaaliya kuhaya oo Dawladnimadeena, wanaageena, qaranimadeena, hortaagan oo kashaqaynaya sidii ay inoo dhibi lahaayeen iyaguna u guulaysan lahaayeen, markaa wa in aan gacmaha isqabsanaa cadwgeena halmeel uga soo wada jeesanaa dhammaanteen oo goboladeena ay dhibka kuhayaan aynu si wada jir ah uga xoraysano ayaa layna karaabaa, waxaan rabaa marka in aan kahadlo ciidankan isku dhafka ah, waxaa loo sameeyay in ay wanaag soo kordhiyaan in ay nabad soo kordhiyaan in ay magaalada horumarkeeda ka shaqeeyaan, wixi ka dhiman oo imkaaniyaad ah wixii aan u awoodno sida ugu wanagsan ayaan isgu dayaynaa in aanu u hawl galno”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawdwaynaha gobolka mugug ugu baaqay inay siwada jir ah nabadda uga wada shaqeeyaan.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

5I2A0064-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0066-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0122-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0123-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0144-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0219-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0229-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0425-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0466-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0483-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0485-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0490-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0516-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0556-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0605-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0691-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0817-4.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0818-3.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0819-3.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo uu Maamulka Galmudug Si Balaadhan usoo Dhaweeyay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this