Sign in to follow this  
Deeq A.

Militeriga Maraykanka oo sheegay in ay dileen 13 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Militeriga Maraykanka ayaa sheegay in ay 13 xubnood oo ka tirsan ururka Xagjirka ah ee Al-shabaab ku dileen duqeyn cusub oo ay ka geysteen Konfurta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka laga fuliyey meel 50km Waqooyi galbeed kaga aaddan magaalada Kismaayo,subaxnimadii Axadda.

Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa Soomaaliya sannadkaan ka geystay 34 weerar oo lagu beegsaday Al-shabaab,kadib markii maamulka Trump uu ballaariyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.

Al-shabaab waxaa lagu eedeeyay qarax gaari oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho bishii October,kaasoo ay ku dhinteen 512 qof. Wuxuu ahaa weerarkii ugu xumaa ee argagixiso tan iyo 9/11( September eleven).

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee AP News Agency

PUNTLAND POST

The post Militeriga Maraykanka oo sheegay in ay dileen 13 xubnood oo ka tirsan Alshabaab. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this