Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya oo Maalinta berri ah Muqdisho laga daah-furayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi (Cabdiraxmaan Dheere) ayaa sheegay in Maalinta Berri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah-furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA. Wasiirka ayaa laga soo xigtay in dowlada Soomaaliya ay ku guulaysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, islamarkaana ay gacanta ku heysay Hay’adda ICAO. Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in la rakibay dhammaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, sidoo kalena shaqaale badan loo tababarayo, waxaana munaasabadda daah-furka ka soo qaybgeli doona madaxda sare xukuumadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this