Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka oo qabatay wacyigelin ka dhan ah Takoorka dadka la nool cudurka HIV/AIDS.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka (PAC), ayaa qabatay kullan looga hadlayay jojinta takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS, ee ku nool Puntland

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dad ka socday qeybaha kala duwan ee bulsahda, sida nabaddoonada, haweenka dhalinyarada iyo masuuliyiin katirsnan hay’addaha dowladda.

Hay”ada la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee puntland ayaa sheegtay inay kulankan u qabatay inay bulshadu u naxariistaan dadka la nool cudurkaas lagana joojiyo takoorka loona fududeeyo waxyaabaha la macaamilka dadka .

Guddoomiyaha dallada dadka la nool cudurka AIDS-ka, ee Daryeel, Cabdalla Maxamad Muuse ayaa madasha kullanka ka sheegay in loo baahan yahay in la joogteeyo kulamada nuucaan oo kale ah, si kor loogu qaado fahamka bulsahda ee ku saabsan cudurkaan iyo inay hoos u dhacdo takoorka ay la kulmaan dadka cudurkaan la nool, inkastoo Puntland ay tahay meesha kaliya ee aan faquuq sidaas u buuran loogu geysan dadka cudurkaan la nool.

Madaxda dhaqanka ee kulanka ka qayb galay ayaa ku baaqay in dadkaas si fiican loola dhaqmo waxayna dawladda ka codsadeen in ahmiyad gaar ah loo sameeyo si ay daryeel fiican u helaan .

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Cali Salaad Diiriye Faarax, ayaa sheegay in xag diin iyo xag dhaqanba ay gef ku tahay in la takooro dadka ka nool cudurkaan, wuxuuna sidoo kale dadka cudurkaan qaba ugu baaqay inay iyagana ka feejignaandaan inay bulshada ku dhex faafiyaan.

Agaasime ku xigeenka hay’adda PAC, ayaa sheegay kullankaan inuu qeyb ka yahay ol’ole balaaran oo ay ku midaysan yihiin hay’addaha dowladda iyo shacabka, kaasoo la doonayo in lagu joojiyo takoorka ka dhan ka ah dadka qaba cudurkaan. Waxaa u guddoomiye ku xigeenku qiray in la ogaaday takoorku inuu keenay in dadka qaba iyaguna cadowtinimo ufaafiyeen cudurka.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle, ayaa sii xoojiyay baaqa ku saabsan joojinta takoorka dadka la nool AIDska, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay dadku inay isku naxariistaan, iyadoo aan la eegayn mid caafimaad qaba iyo mid xanuunsan.

DAAWO SAWIRRADA KULANKA.

IMG_1176.jpg IMG_1178.jpg IMG_1179.jpg IMG_1182.jpg IMG_1184.jpg IMG_1185.jpg IMG_1187.jpg IMG_1192.jpg IMG_1197.jpg IMG_1198.jpg IMG_1203.jpg IMG_1211.jpg IMG_1213.jpg IMG_1220.jpg IMG_1224.jpg IMG_1234.jpg IMG_1235.jpg IMG_1238.jpg IMG_1240.jpg IMG_1246.jpg IMG_1247.jpg IMG_1248.jpg IMG_1249.jpg IMG_1250.jpg IMG_1251.jpg IMG_1252.jpg IMG_1253.jpg IMG_1254.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this