Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo Wakiilnimadii Kala Noqday Qareennadii u Doodayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Saddexdii qareen ee u doodayey u sheegay inuu kala noqday wakiilnimadii, kadib warqad qoraal ah oo uu u diray.

Waxa uu sheegay Shakuur in aysan qareennadaasi matalin, isaga oo sharci darro ku tilmaamay dacwadda loo haysto.

Sidoo kale Shakuur ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku xadgudbay sharciga, qalad badanna uu ka galay, sida xariggiisa, weerarkii gurigiisa lagu qaaday iyo sidoo kale dadkii halkaasi ku dhintay.

Siyaasigan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in markii ay dhammaato cadaadiska siyaasadeed uu xeer ilaaliyaha ku dacweyn doono wixii dhacay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:

Goobjoog News

Ccshakuur

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this