Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso waraaqdii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaga noqday Wakaaladdii Qareen ee saddex qareen ee u doodayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa wakiilshadii kala noqday saddex qareen oo doodayey kiiska loo heysto, kadib qoraal uu u u diray Maxkamadda rafcaanka G/banaadir iyo Qareenada.

Qoraalkan uu siyaasiga C/raxmaan C/shakuur kalsoonida wakiilashada ugala noqday qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, C/kariin Maxamed Axmed iyo Aamina Xaaji Axmed oo maanta soo baxay ayaa keenay in maxkamadda rafcaanka ay qareenada u sheegto inaysan dsifaaci karin C/raxmaan C/shakuur.

Warqad qoraal ah oo uu qoray C/raxmaan C/shakuur ayuu ku sheegay inuu kala noqday wakaaladii Qareennimo ee Qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Qareen C/kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida hufan ee aad ii difaacdeen, dacwadii horgeynta Maxkamadda Gobolka Banaadir, hase ahaatee waxaa idin ku wargelinayaa inaan ka noqday idmashadii Qareen inaad iga noqotaan dacwadda siyaasadeysan ee uu Xeer Ilaaliga doonayo inuu igu socodsiiyo si aan waafaqsaneyn sharciga”ayaa lagu yiri warqad uu qoray C/raxmaan C/shakuur.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay maanta dib u celisay qareenadii C/raxmaan C.shakuur, maadaama aysan xilligaas wadan wax wakaalad ah, iyadoo la sheegay in dhageysiga dacwada dib loo dhigay maalin kale.

Kalsooni darro weyn ayaa soo foodsaartay Siyaasiga eedeysan ee C/raxmmaan C/shakuur, waxaan dibn loo dhigay maxkamadeyntii maanta iyadoo aan la ogeyn inuu qareeno cusub qabsan doono iyo inuu isagu is difaaci doono.

Abdirahman-Abdishakur-1.jpg?resize=689%2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Akhriso waraaqdii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaga noqday Wakaaladdii Qareen ee saddex qareen ee u doodayay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this