Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ahaa Itoobiyaankii kasoo dhex muuqday Muuqaalkii ay soo duubtay Daacishta Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) –Ururka Daacish qeybtiisa Buuraha Galgala ee Bariga Somaliya ayaa soo duubay muuqaal ay ku hanjabayaan in ay weerari doonaan goobaha dadweynaha iyo dowladda ee Degaannada Maamulka Puntland.

Saddex Qof oo midi Soomaali yahay labana ajaanibyihiin ayaa ka muuqda Muuqaalkan oo ay ku sheegayaan in ay kordhinayaan weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Mid ka mid ah labada Ajaanibta ah ee muuqaalkan ku jira waxaa uu ka soo jeedaa Dalka Itoobiya,waxaana lagu magacaabaa  Abuu Zubeyr Al-Xabashi.

Dacish-507x330.png?resize=507%2C330&ssl=

Daacish waxaa ay sheegeysaa in ay kordhineyso howlgallada ay ka fuliso Gobollada Puntland,islamarkaana ay beegsan doonto meelaha muhiimka ah sida meelaha ay dadka isugu soo baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Muxuu ahaa Itoobiyaankii kasoo dhex muuqday Muuqaalkii ay soo duubtay Daacishta Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this