Sign in to follow this  
Deeq A.

CC oo ka hadlay Khaladaadka DF ka dhacay 2017 & Isbedelada laga sugaayo inay la imaado Sanadka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihi hore ee Somalia, Cumar Cabdirishiid ayaa ka hadlay qiimeynta sanada 2017 ee hadda gabagabada ah, waxa uuna sheegay inay jiraan khaladaad iyo waxyaabo badan oo la saxay.

Waxa uu Cumar Cabdirishiid sheegay inuu sii yaraanayo khaladaadka ka dhaca dowlada taa oo sabab u ah in dowladba tan ka danbeysa ay dooneyso inay waxbadan saxda oo markaa khaldan.

Waxa uu Cumar Cabdirishiid tilmaamay in sanadka 2017 uu dalka soo maray marxalado badan oo qaarkood laga faa’iideystay, halka xiliyada qaarna ay dhacayeen waxyaabo laga fiicnaa sida Colaado Siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha dhacay xitaa ay kamid ahaayen kuwo dhibaateynaayay Federaalka balse mar waliba ay dadku ahaayen kuwo ku fakanaayay dadaalada lagu xalinaayay dhibaatooyinka markaa jiray.

Cumar Cabdirishiid, waxa uu dhibaatooyinka dhacay sanadii 2017 kusoo qaatay weerarkii lagu qaaday Hooyga CC Shakuur oo uu sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Cumar Cabdirishiid, waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay inay ka faa’iideysato sanadka cusub ee dhalanaaya oo uu sheegay inuu wadan doono kheyr.

Waxa uu tilmaamay in la doonaayo in ilaa iyo xad laga fogaado waxyaabaha dhibka keenikara sida Khilaaf iyo dhibaatooyin kale oo mugdi galinkara Horumarada dalka.

Sanadka cusub ee dhalan doona ayuu sheegay in dowlada Federaalka laga doonaayo inay la imaado wax muuqda oo ka duwan waxyaabihii ay qabatay 2017.

Waxa uu sheegay in rajada uu qabo ay tahay in la sameeyo waxyaabo badan oo isbedel iyo horumarba leh, taa oo uu ula jeedo inay imaankaraan fursado cusub.

Dhinacyada uu isbedelada u saadaaliyay ayaa waxaa kamid ah Amniga, Siyaasada, Xal u helida colaadaha iyo arrimo kale oo dhibaato u noqonkara Qaranka.

Haddalka Cumar Cabdirishiid ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Madaxweyne Farmaajo ay yareysay weerarada ay geysan jireen maleeshiyaadka al-Shabaab, halka dowladii hore ay saaxiib u aheyd dhibaatooyin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post CC oo ka hadlay Khaladaadka DF ka dhacay 2017 & Isbedelada laga sugaayo inay la imaado Sanadka cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this