Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi ‘’Dhaqanka DF waxba kama duwana kan al-Shabaab ee haddii aysan rabin dhaliil meesha ha baneeyan’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamida mudanayaasha BFS, ayaa daboolka ka qaaday inaanu suuragali doonin in dalka hal maalin lagu maamulo qori caaradiisa.

Axmed Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxda dalka talada u heysa lagu doortay kalsooni sidaa aawgeed laga doonaayo inay kalsooni u siiyaan dhinacyada kale.

Waxa uu Fiqi tilmaamay in goortii la dooranaayay Madaxda heysa talada dalka aan lagu dooran qori, balse lagu doortay sanduuq iyo garasho ku imaaday is xilqaan, hase ahaatee aanu suuragali doonin in leysku maamulo qori.

Xildhibaan Fiqi waxa uu carab dhabay in maslaxada dalkan ay tahay mid ku jirta in loo maro wadooyin shrciga waafaqsan.

Fiqi waxa uu yiri ‘’qofkii doonaya inuu qaado weerar sharcidaro ah oo lagu beegsado dadka ku nool magaalada Muqdisho waxaan u sheegeynaa inuusan waxba ka duwaneyn Al Shabaab, loona baahan yahay inuu iyaga u tago’’.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Fiqi “Qori ninkii raba inuu dalkaan ku xukumo Shabaab ha u tago waa Shabaab, ninkii raba qori sharcidaro ah inuu dadka ku dilo’’

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ‘’Ninkii raba inuu dadka weeraro Shabaab waxba kama sokeeyo, ee dhaqanka Shabaabka duurka hala tago duurka ayaa looga baahan yahay.”

Xildhibaan Fiqi waxa uu tilmaamay in dunida oo dhan ay ka jirto dowlad kala aragti duwan, isla markaana aanu arrin xub aheyn haddii la mucaarado Siyaasada ay ku shaqeyso DFS.

Isagoo ka hadlaayay kala aragti duwanaanshiyaha ayuu yiri ‘’Haddii madaxda ku jirta Madaxtooyada Somalia aysan u dulqaadan karin mucaaradnimada ha baneeyaan meesha kuma haboonee’’.

Sidoo kale, Fiqi waxa uu sheegay inaanu jirin mucaarad doonaaya inuu burburiyo dalkiisa, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay keliya inay doonayaan in la saxo khaladaadka jira.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Fiqi ayaa hadalkaan sheegay xili uu magaalada Muqdisho kula hadlaayay saxaafada maxaliga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Fiqi ‘’Dhaqanka DF waxba kama duwana kan al-Shabaab ee haddii aysan rabin dhaliil meesha ha baneeyan’’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this