Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Cabdirashiid” Siyaasada dalka Waxaa ku soo korortay in la is gaaleeysiiyo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Raisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaliya in ay caburin ku hayso siyaasiyiinta iyo dadka ka arakti duwan.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayuu sheegay in madaxda dowladda Soomaliya isku dayayaan in ay caburiyaan siyaasiyiinta dalka ku sugan, kuwaasi oo inta badan ka hadla qaladaadka dowladda.

“Siyaasaddii dalka waxaa kusoo korodhay in la is gaalaysiiyo sida Al-Shabaab lagu yaqaano – qofkii dawladda hadda jirta ka aragti duwan waxaa loo adeegsanayaa in uu yahay qaran dumis,anaga hadaan siyaasiyiin nahay waxaan ka hadlaynaa wixii jira, laakin ma haboona in dowladda ay dadka gaalaysiiyo sida lagu yaqaano Al-shabaab”, ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Dhanka kale Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan kaligeed waxba qaban Karin islamarkaana ay u baahan tahay talooyinka siyaasiyiinta Soomaliyeed.

Hoos ka Dhageeyso Codka 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cumar-Crashiid.mp3

PUNTLAND POST

The post Cumar Cabdirashiid” Siyaasada dalka Waxaa ku soo korortay in la is gaaleeysiiyo” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this