Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Weerar ka Geeystay Dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa weerar Tooreey ah ka geeystay Dalka Mareeykanka.

Haweeneey lagu magacaabo Morgan Evenson oo ah Haweeneey u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in uu soo weeraray Muwaadin Soomaaliyeed oo isku Dayay in uu dhaco.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Soomaalida ay ku badantahay ee  Minneapolis.

Haweeneeydaan ayaa wariyaasha u sheegtay in ay iska difaacday weerarakaasi uu ku soo qaaday waxaana ka soo gaaray dhaawacyo.

Ciidamada Booliska Dalka Mareykanka ayaa soo gaaray Goobtaasi iyaga oo sameeyay baaritaano.

Ilaa hadda lama sheegin magaca muwaadinkaan Soomaaliyeed ee falkaasi dhaca ah isku dayay hayeeshee Booliska waxa ay sheegeen in da’diisu ay tahay 24-Sano jir.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Muwaadin Soomaaliyeed oo Weerar ka Geeystay Dalka Mareykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this