Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacishta Soomaaliya oo sii daysay muuqaal digniin ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Puntlandi) Koox kor kala socota ururada xagjirka ah ayaa sheegay in kooxda Daacish ay soo daabacday waxa loo maleynayo inuu yahay fiidiyoowga ugu horreeya ee ka imanaya dagaalamayaaasha Daacish ee Soomaaliya.

fiidiyoowgaan oo lasii daayay maalintii isniintii ee todobaadkaan, ayaa hogaamiyayaasha Daacish waxay taageerayaashooda ugu baaqayaan inay ugaarsadaan ama beegsadaan dadka aan muslimka ahayn, kaniisadaha iyo suuqyada dadku ku badan yihiin.

Daacish waxay taageerayaasheeda ugu baaqaysaa inay ka faa’idaystaan fasaxa iyo debaal dega ciida Kirismaska, si ay u weerarto goobaha lagu xusayo.

Maraykanka ayaa bishii hore bilaabay duullimaadkii ugu horreeyay ee ka dhanka ah dagaalyahannada kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this