Deeq A. Posted December 27, 2017 Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur. Lama hubo in maxkamadda ay tagi doonaan qareennada C/raxmaan iyo in kale, balse waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsi ahaan aanu C/raxmaan Tagi doonin maxkamadda. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah Goobjoog News Quote Share this post Link to post Share on other sites