Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Hirshabelle Oo Codka Kalsoonida Ah u Qaadaya Wasiirada Maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in baarlamaanka maamulka Hirshabelle ay codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirada cusub ee maamulkaasi.

Maxamuud Xasan Wabar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in maanta ay rajeynayaan in codka loo qaado wasiiradan.

Waxa uu tilmaamay in la xalliyey caqabado yar oo taagnaa kuwaasi oo sababay in maalintii shalay ahayd furmi waayo kulankii baarlamaanka Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa maalmihii ugu dambeeyay wuxuu waday dedaallo uu xildhibaannada Hirshabelle kaga dhaadhicinayo iney meelmariyaan wasiiradiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this