Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland: Xaliimo Yarey Oo Bilowday Wada-tashi iyo Wacyi-gelin Ku Aadan Doorashada 2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Jubbaland ka bilaabay barnaamijyo wacyi-gelin iyo wada-tashi isugu jira kuwaas oo looga hadlayo doorashada 2021-ka.

Talaaladii waxaa Kismaayo laga furay  Kulan wada tashi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka kaasoo looga hadlayo Doorashada lagu wado Soomaaliya inay ka dhacdo 2020.

Kulanka waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan, waxaa sidoo kale goobta joogay Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, iyo Siyaasiyiin waxaana lagu gorfeynayaa qorshaha lagu wajahayo Doorashada qof iyo cod iyo sida Bulshada uga qeyb qaadan karto.

Sidoo kale Masuuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmaya Bulshada qeybaheeda kala duwan iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.

Kulamadan ayaa ujeedadooda tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this