Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiniyiinta Oo Loo soo jeediyay In Ay Caasimad Ka Dhigtaan Magaalo Aan Aheyn Qudus

Recommended Posts

Deeq A.   

Ismaaciil  Haniyeh oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ururka Xamaas, ayaa sheegay in Mareykanka uu falastiin uu u soo bandhigay magaalada Abuu Diis oo ku taalo duleedka magaalada Qudus inay ka dhigtaan caasimadda dowladdooda madaxa banana ayna ka baxaan arrimaha Qudusta bari.

Ismail Haniyeh waxaa uu intaasi ku daray in bandhigga Mareykanka uu u soo bandhigay ay saddex qeybood u kala qeybineyso daanta galbeed taasi oo keeneysa in muslimiinta ay awoodi waayaan in Masjidu-Aqsa ay ku tukadaan salaadaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jabiyey siyaasadda mareykanka ee ku aadaneyd loolanka u dhaxeeya Falastiin iyo Israel, waxaa uuna ku dhawaaqay in Qudus ay tahay caasimadda Yahuuda.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this