Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo 15 ruux daldashay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa sheegay in Salaasadii Maanta la daldalay 15 ruux oo lagu helay denbiyo la xiriira argagixiso iyo khalkhal gelin amni,kadib markii la soo taagay maxkamad militari.

Dadka la xukumay oo dhammaantood rag ah ayaa lagu eedeeyay weerarro argagixiso oo sannadkii 2013-kii lagu qaaday militariga Masar ee ku sugan Jasiiradda Sinai ,islamarkaana ay ku dhinteen askar badan sidoo kalena lagu burburiyo gaadiid dagaal.

Hay’adaha Xuquuqda Insaanka ayaa durba cambaareeyay xukunkaas daldalaadda ah ee ay Masar fulisay,waxayna ku tilmaameen”dil wadareed aan sharciyad haysan iyo gabood-fal ka dhan ah xuquuqda banii’aadanka”.

Hay’adaha ayaa sidoo kale dowladda Masar ku eedeeyay in aysan qareenno u qaban eedaysanayaasha oo aan caddeyn ku filan loo helin denbiyada loo haysto,sida ay warka u dhigeen.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo 15 ruux daldashay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this