Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah:Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraashiista Puntland ayaa caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray,Qaleey Yuusuf Jiile ayaa taliye ka ahaa xero lagu keydiyo hubka oo ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo,taasoo magaceeda lagu sheegay Xero Inji.

Malayshiyo hubaysan oo madaxa soo duubtay ayaa rasaas la dhacay sarkaalka oo ku sii jeeday gurigiisa,kadib markii uu shaqada ka soo rawaxay,isagoo durbadiiba u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray,sida uu PUNTLAND POST u xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Wasaaradda Amniga Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Amniga gobolka Mudug ayaa gaaray goobta sarkaalka lagu dilay,waxaana halkaasi ka socda hawlgal baaritaan ah,inakstoo aan weli gacanta lagu dhigin kooxdii dilka fulisay,sida aan xogta ku helnay.

Wixii ka soo kordha kala soco :Puntlandpost.net

The post War deg deg ah:Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this