Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO: Qoraal ay Xubno Mucaarad ah ugu digeen Madaxda Sare ee Dowladd Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

madaxda.jpg?resize=829%2C495
Muqdisho (PP) ─
Xubno isugu jira Xildhibaannadii la baxay Horu-socod ee hore u kala tagay iyo Xisbiyada Daljir, Wadajir iyo Kulan ayaa Qoraal ay soo saareen ku cambaareeyay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee dhacay bartamihii bishaan aynu ku jirno.

Mas’uuliyiintan ayaa Qoraalkooda uga digay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre inay Ciidanka qalabka Sida u adeegsadaan dilalka iyo argagixinta siyaasiyiinta, Waxayna digniin kale ka soo saareen in hay’adaha Garsoorka iyo Culimada loo adeegsado arrimo aar-goosi ah iyo kuwo siyaasadeed.

Dhanka kale, Xubnahan ayaa qoraalkoodan digniinga ah kusoo beegay xilli la filayo in dacwaddii loo haystay C/raxmaan C/shakuur oo horay loo qaadacay dib loo billaabo berri oo Arbaco, kaddib markii Xeer-ilaaliyaha Qaranka uu ka biyo diiday bari-yeeliddii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Haddaba, AKHRISO Qoraalka ay Xisbiyada iyo Xubnuhu soo Saareen;
Xisbiyo_Farmaajo_u_Digay-1.jpg?resize=82Xisbiyo_Farmaajo_u_Digay-2.jpg?resize=82

PUNTLAND POST

The post AKHRISO: Qoraal ay Xubno Mucaarad ah ugu digeen Madaxda Sare ee Dowladd Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this