Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maalinta berri ah dib loo maxkamadeynayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir,Saalax SH Ibraahim Dhiblaawe ayaa shaaciyey in dib loo maxkameynayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maalmo ka hor ay sii deysay Maxkamadda Gobolka Banaadir,kadib markii ay sheegtay inaan caddeyn loo helin denbiyada loo haysto.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo saaray ku wargeliyey Xafiiska Xeer ilaalinta iyo qareennada u doodaya C/raxmaan C/shakuur Warsame in ay ka soo qayb galaan dhegaysiga dacwadda loo haysto siyaasigaan,waxaana qoraalka ku xusan in maalinta berri ah ee 27 bishaan Dec dacwadd dib loo dhegaysanayo.

halkaan ka akhriso warqadda.

Maxkamadeyn.jpg?resize=450%2C600

PUNTLAND POST

The post Akhriso:Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maalinta berri ah dib loo maxkamadeynayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this