Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka kulankii dhex maray Qatar iyo Soomaaliya oo la ogaaday iyo Dowladda Qatar oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Cabdullaahi Bin Nasir Bin Khalifa Al thani iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalkaasi ayaa kulan gaar ah Magaalada Doxa kula qatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Qatar ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya uu door weyn ka qaatay dhinaca xoojinta xiriirka labada Dal oo uu tilmaamay in leeyihiin xiriir Saaxiibtinimo oo soo jireen ah.

Cumar Sheekh Cali Idiris Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar ayaa Dowladdaasi ku tilmaamay in door lama iloobaan ah ay ka qaadatay taageerada ay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dowadda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulisa Mashaariic kala duwan,  iyadoo Bishii la soo dhaafay wafdi ka socday Dalkaasi ay Soomaaliya la Saxiixdeen Heshiis ku kacaya 200 oo Milyan oo Dollar, Lacagtaas oo lagu fulin doono Mashaariic Horumarineed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Ujeedka kulankii dhex maray Qatar iyo Soomaaliya oo la ogaaday iyo Dowladda Qatar oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this