Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo kumanaan shacab ah oo Garowe kusoo dhoweeyay xulka kubada cagta Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka Kubada Puntland ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Caasimada ah ee Garowe, ka dib markii uu soo dhamaaday koobkii maamul goboleedyada oo ka socday Magaalada  Mugdisho oo ay Xulka Puntland galeen kaalinta 2aad ee tartanka

Soo dhaweenta ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxwayne ku Xigeenka Dawladda Puntland Md Eng Cabdixakiiim Cumar Camey, Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Md Cabdirahman Shiekh, Wasiirka Dastuurka, Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda , Wasiir ku xigeenka Kulluumaysiga, Xog-haya Guud ee Wasaarada Maaliyadda iyo Xubno ganacsata ah iyo Bulsha waynta guud ee reer Puntland ee ku nool Caasimada Puntland.

Soo dhaween iyo marxabeen ka dib, ayaa Ciyaartooyda qaranka lugu soo dhaweeyay Barxadda Garowe ayadoo ay salaan la dhax mareen dadwaunihii soo dhaweeyay.

Axmed Jawle oo ka mid ah ganacstada hiilka la garab taagan ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku bixiyay taageero aad u baaxad leh, asagoo u qorsheeyay Gawaari bas ah oo lugu soo qaday ciyaartooyda ka dibna loo galbiyay Guri uu ganacsaduhu ku leeyahay Magaaladda Garowe si ay ugu nastaan ayagoo loogu sameeyay qado sharaf.

Dareenka Xulka qaranka Puntland ayaa waxaa uu ahaa mid heer sare ah oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad aad u wayn.

25660128_172550313478933_287722995832705 25660260_172550683478896_848825912198775 25660319_172550720145559_766558983027556 25660379_172549933478971_456767032177463 26001239_172550223478942_179022516961239 26001287_172550176812280_665072293514472 26047087_172549600145671_237431973299388 26055545_172550383478926_100101127192593 26112122_172550596812238_481316875507555 26112409_172549310145700_179519910657275 26113766_172549530145678_488583341492515 26114153_172550430145588_661029677280608 26165397_172549236812374_294698425536778 26165519_172550143478950_708478879881036 26168533_172549683478996_742286379974614 25659794_172549436812354_503896219737392 25659890_172549976812300_731636249021656 25659945_172549700145661_804985996223652 25659994_172549526812345_707095229946578

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this