Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Jubaland oo shaaca ka qaaday arrin halis ah oo Kenya ay ka waddo Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), ayaa si adag kaga hadlay xadgudubka Kenya ee ku aadan Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii darbiga ay ka dhiseyso xuduuda labada dal, ay gudaha u soo gelisay qaybo ka mid ah degmadaasi.

Arrintan, ayaa ka careysiisay bulshada ku dhaqan Degmada Baled Xaawo, waxayna Sabtidii dhigeen bannaanbaxyo rabshado wata, iyagoona gacmaha ula tagey Ciidanka Kenya.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo Isniintii gaaray Degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xadgudubkeeda ka dhanka ah dhulka Somaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay ka shakhsi ahaan, Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Somaliyaba in aanay jirin wax ay kala socdaan dhul cabirka, ay Ciidanka Kenya ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi.

Wasiirku waxaa uu bulshada u sheegay inaysan jirin wax raali ah oo Dowladda Kenya looga yahay inay qaadato taako ka mid ah dhulka Somaliya, isla-markaana ay ka dhiidhin doonaan in xaafado ka mid ah Degmada Baled Xaawo ay Kenya ku darsato dhulkeeda.

C/rashiid Xasan C/nuur, Wasiirka Amniga Jubbaland, ayaa intaa ku daray Ciidanka Kenya inaanan loo ogolaan doonin markale inay dhul cabir ka sameeyaan Degmada Baled Xaawo.

Kenya, ayaa kol hore sheegtay in xuduuda labada dal ay ka dhisi doonto darbi kala qaybiya, iyadoona tallaabadaasi ku sheegtay mid ay kaga hortageyso weerarada kaga imaanaya Xarakada Al Shabaab, balse waxaa muuqata in qorshaheedu uu sidaasi ka fogyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Wasiir ka tirsan Jubaland oo shaaca ka qaaday arrin halis ah oo Kenya ay ka waddo Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this